|
Silai waa mashruuc lagu barayo haweenka
farsamada gacanta ee dawaarka, kaa oo ku yaala xaafada
Easton. Hawshayadu waa mid tilmaaman, taa oo haween
asalkoogu kala duwanyahay lagu barayo farsamada tolitaanka
dawaarka iyagoo jooga meel lagu taageerayo. Waxaa jooga
macalimiin laba luuqadood yaqaana, oo kaa taageeraya
barashada qoraalka iyo akhriska. Waxbaanu ku bari karaa
baahidaadu si kastaba ha ahaatee. Waxaa kale oo aanu
haynaa meel caruurta bilaash laguugu haynayo oo loogu
talogalay ardayda hadii ay u baahdaan.
Arday badan oo Silai wax ku soo baratay
ayaa sii waday waxbarashada ama shaqotegey. Inta badan
ardaydu waxay noqdaan qaar mustaqbalka iskood u shaqaysta,
qaybta aanu ugu talogalay taageerada ayaa kuu diyaar
ah (enterprise unit) in ay ku caawiyaan.
Hadii aanad weligaa dun iyo irbad
isgelin, iyo hadii aad tahay dhartole khibrad leh, waxaanu
haynaa koorasyo ay shahaado ku bixinayso OCN (Open College
Network) kuwaas oo heerkasta leh. Qayb kastaana waxay
soconaysaa 30 saacadood.
Magaca Kooraska Magaca Mowduuca Faahfaahin
Dawaarka Guud Dawaarka Guud Barashada aasaaska tolitaanka
Samaynta Koofiyadaha Samaynta Koofiyadaha Barashada
samaynta koofiyadaha fudud ilaa kuwa adag (blocked felt
and straw hats)
Gacan ku tolida Sariirta Nafarka ah Ardayda aan khibrada
hore lahayn in ay fahmaan farsamada mashiinka wax tola
(knitting) oo ay bartaan siyaabo kala duwan oo wax loo
tolo, sharaxo iyo gashiba
Ribber(tolida gacmaha iyo lugaha) Barashada tolida gacanta
oo loogu talogalay dadka imika baranaya iyo dadka khibrada
u leh. Dejinta farsamada gacanta iyo dharka.
Sharaxaada Fudud Dejinta (design) Aasaaska dejinta sharaxaada
fudud
Guudahaan Barashada sharaxaada fudud iyo heerarka sare
ee farsamada sharaxaada
Samaynta Daahyada Barashada samaynta daahyada
Daahyada liidka leh, daahyada, daboolka sare ee daahyada
iyo sharaxaadooda iyo qalabka daahyada sida kuwa dhexda
lagaga xidho.
Galalka
Samaynta galalka, kuwa casriga ah, kuwa qadiimka ah
iyo kuwa heerka sare
Samaynta gogosha (patchwork & quilting) Barashada
samaynta gogosha (patchwork & quilting)
Dharka Xaragada iyo Maryaha kale Dejinta (design) Barashada
dejinta dharka xaragada, oo ay ku jiraan dharka taariikhiga
ah iyo kuwa casriga ah
Tolida Tolida dharka taariikhiga ah iyo kuwa casriga
ah
Jarjarida Barashada jarjarida dharka si maryo looga
tolo
Dharka hoosta laga xidho (lingerie) Barashada tolida
dharka hoosta laga xidho iyo kuwa la tidcay (woven fabrics)
Koorasyada oo dhami waxay bilaabmaan
bisha Sibteembar. Kharashku waa £10 oo ah diiwaangelinta
sanadka iyo iyo £27 kooraskii 30 saacadood ah
(kooras kastaa waa 30 saacadood). Dadka waaweyn (OAPs)
waxay bixinayaan £15 kooraskii 30 saacadood ah.
Dumarka dhawrtada qaata (benefit) waxay bixinayaan £10
ah diiwaangelinta sanadka oo keliya. Ardayda oo dhami
waxay bixinayaan £3 si ay u qaataan shahaadada
marka ay kooras dhameeyaanba.
Waxaanu la shaqaynaa City of Bristol
College, waxaana kharashka naga bixiya Dowlada Hoose
ee Bristol, Church urban fund, Neighbourhood Support
Fund iyo Learning Skills Council.
Silai For Skills (oo la odhan jiray
Silai Project) waa hay’ad kaalmo (registered charity
no. 1052996, registered company no. 3151364).
|